SoDMA Oo Ka Hadashay Saameynta Isbeddelka Cimilada Iyo Barakaca Dadka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qaybgalay dood ka dhacday xarunta urur-goboleedka IGAD ee shirka COP31, taas oo looga hadlay saameynta isbeddelka cimilada, barakaca dadka…

SoDMA Oo Ka Hadashay Saameynta Isbeddelka Cimilada Iyo Barakaca Dadka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qaybgalay dood ka dhacday xarunta urur-goboleedka IGAD ee shirka COP31, taas oo looga hadlay saameynta isbeddelka cimilada, barakaca dadka iyo sidii loo xoojin lahaa u adkeysiga bulshooyinka ku nool gobolka.

Dooddan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen IGAD, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Dowladda Talyaaniga, ayaa lagu falanqeeyay saameynta ay abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira isbeddelka cimiladu ku leeyihiin nolosha dadka, barakaca iyo hab-nololeedka bulshada.

Sidoo kale, waxaa doodda lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelinta xalalka waara, xoojinta nidaamyada saadaasha iyo digniinta hore, iyo in la qaado tallaabooyin ka hortag ah ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in loo baahan yahay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah, maalgelin waarta iyo diyaar-garow xooggan, si loo yareeyo khataraha musiibooyinka loona badbaadiyo nolosha dadka.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta awoodda bulshooyinka Soomaaliyeed ee la tacaalaya saameynta isbeddelka cimilada, si loo ilaaliyo hab-nololeedkooda loona kordhiyo awooddooda ay uga soo kabtaan musiibooyinka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments