Dhageyso: Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Dhaliilay DFS
Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ku dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya in ay farogelin toos ah ay ku hayso khilaafka ka dhex jira madaxda Galmudug.
Maxamed Nuure Diini, wasiir ku xigeenka Biyaha iyo Tamarta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay dowladda ay caddeysatay faragelinta ay ku hayso maamulkaasi.
Waxa uu tilmaamay in dowladda gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha qoraalkii ay soo saartay uu ka dhexmuuqday inaanu jirin heshiis ay gaareen Ahlu-sunna iyo Galmudug waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha looga baahnaa in haddi ay wax xalineyso ay tagto caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Ma jirto wax xal ah oo laga gaaray khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee Galmudug, waxaana ay kala joogaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Halkaan hoose ka dhageyso:
Goobjoog News