Goobjoog

Itoobiya Oo Laga Qaadayo Xaaladda Deg-degga Ah

Dalka Itoobiya ayey Golahiisa Wasiirrada isku raaceen in la qaado xukunkii deg-degga ahaa ee ay horay uga soo rogtay xukuumaddoo hore. Go’aankan kasoo baxay Golaha wasiirrada Dalka Itoobiya ayaa loo…

Itoobiya Oo Laga Qaadayo Xaaladda Deg-degga Ah

Dalka Itoobiya ayey Golahiisa Wasiirrada isku raaceen in la qaado xukunkii deg-degga ahaa ee ay horay uga soo rogtay xukuumaddoo hore.

Go’aankan kasoo baxay Golaha wasiirrada Dalka Itoobiya ayaa loo gudbin doonaa Baarlamanka Dalkaasi si isna uu u meel mariyo. Hindisahan waxaa meel-mariyay xisbiga talada haya iyo dhammaan axsaabta kale ee ku jirta baarlamaanka Itoobiya.

Xaaladdan deg-deg ah oo la soo rogay xilligii ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn Boshe ayaa muuqato hadda in laga maarmay kadib isbadalkii dhacay, dhaq-dhaqaaqan iyo dhiig cusub oo la yimid ra’isul wasaare Abey Axmed

Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa tallaabadan loogu qaadayo xaaladdii deg-degga ahayd ee saarnayd Dalkaasi ku macneeyay inuu soo laabtay sharcigii iyo kala dambayntii Dalka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments