Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow wuxuu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka Baydhabo oo ay kusii sugnaayeen madaxweynaha K/galbeed, wasiiro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Shirka golaha amniga qaranka ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo, iyadoo magaaladaasi ay goor sii horreysay gaareen Ra’iisul wasaaraha dalka, madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.




From the comments