Warfidiyeenka ka howl-gala magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta mar kale loo diiday inay baahiyaan wararka shirka amniga qaranka ee ka socda magaalada Baydhabo.
Kooxdan oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa intaasi ku daraya in ay ka laabteen shaqo-joojin ay shalay ku dhaqaaqeen kadib markii qaarkood si xun ula dhaqmeen ilaalada qaar ka mid ah wufuudda shirka.
Muxyadiin Xusni oo ka tirsan saxafiyiinta ka howlgala Baydhabo oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay wada hadleen wasiirka warfaafinta maamulka Xasan Cabdi Maxamed isla markaana isku af-garteen in laga wada hadlo wixii shalay dhacay, shaqadana caadi u socoto.




From the comments