Xilli saacado ay ka dhiman tahay in Yuusuf Maadey loo soo musaafuriyo dalka Kenya ayaa waaxda socdaalka Canada waxay Yuusuf ugu tageen garoonkii laga soo qaadi lahaa, waxaana loo sheegay in la baajiyey Musaafurintiisa.
Maadey oo loo haysto in dalkaasi ku galay Baasaboor sharci darro ah, islamarkaana Kenyan ah ayaa markii uu maqlay in Sanad dalkaCanada joogi karo waxa uu tilmaamay inuu aad u farxay walibana uu ilmeeyey.
Wuxuu Maadey sheegay in uu ku dedaali doono inuu yahay Soomaali dhab ah, balse haystay Baasaboorkan Kenyanka ah.




From the comments