Dhallinyaro is xilqaantay oo degan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa bilaabay in si iskood ah ay dayactir ugu sameeyaan qaar ka mid ah Waddooyinka bur bursan ee ku yaalla gudaha degmadaasi.
Waddooyinka la dayactiray ilaa iyo hadda ayaa ah waddooyinka isku xira degmooyinka Doolow,Luuq Iyo Garbahaarey.
XasanCabdulle oo guddoomiyaha Dhallinyaradan ayaa Goobjoog News u sheegay in aysan jirin cid shaqadaan ka caawineyso balse iyaga ay garwaaqsadeen in dhisaan waddooyinka burbursan ee isku xira Doolow, Luuq iyo Garbahaarey.




From the comments