Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeisa ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay dagaal uu sheegay inuu ka dhex dhacayo Soomaaliya iyo Somaliland.
Muuse oo arrinta ka hadlayey waxaa uu yiri“Waa nasiib darro, dagaal aanan u baahneyn baa dhex dhacaya Soomaaliya iyo Somaliland, maanta Soomaaliya iyo Somaliland dagaal uma baahna, in la isu soo dhoweeyo ayey u baahan yihiin, waxaa loo baahan yahay in aanu iskaashanno si aanu dhibaatooyinka uga baxno, abaaraha, biyo la’aanta, iskuul la’aanta, caafimaad darida, shaqo la’aanta in aan iska kaashanno bey aheyd, Somaliland hadafkeedu taas ayuu ahaa”.
Muuse waxaa uu Soomaaliya ku eedeeyay in ay fahmi weysay daris wanaagga, Somalilandina ay hadda ku jiro difaac dadkeeda iyo qarannimadeeda ah.




From the comments