Shan ka tirsan saraakiisha ciidamada Kenya qeybta amniga ayaa lagu dilay gudaha Liboi ee Gaarisa, ka dib markii gaari ay la socdeen ay la kacday Miino dhulka lagu aasay.
Harun Kamau oo ah ku xigeenka duqa Dhadhaab ayaa sheegay in qaraxaan uu dhaawac culus gaarsiiyay saddex kale oo ka tirsan Saraakiisha Kenya, waxaa uu tilmaamay in markii uu dhacay weerarkan ay ciidamadu ku jieen gudashada waajibaadkooda iyaga oo sameynayey roondo.
“Weerarka waxaa uu dhacay saakay Subaxii waxaana lala beegsaday Saraakiil sameynayey Roondo caadi ah, waan ka xunnahay waxaan weynay shan ka mid ah Saraakiisha, halka saddex kale ay soo gaartay waxyeello” sidaasi waxaa yiri Mr Kamau.




From the comments