Akhriso: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya Ee Sanadka 2020-ka
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo 2 maalin socday waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa habka doorashada la doonayo in Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka.
Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa nooca doorasho ee madaxda isku raaceen inay dalka ka dhacdo 2020-ka iyo sababta ay ku doorteen.
Sida ku xusan qoraal ay aragtay Goobjoog, ka hor inta aanu golaha amniga qaranka go’aan gaarin waxaa uu xeeriyay qodbada soo socda.
- Nooca doorasho iyo deegaan doorasho uu dalku galayo qaadanayo waa in ay noqdaan kuwoo suuro-gelin kara in dadweynaha codkooda si xor ah(qof iyo cod) oo dimoqoraadi ah u dhiibtaan.
- Nooca doorasho waa inuu ahaado mid tixgelinaya xaaladda amni, dhaqaale iyo isku dheellitirnaanta metelaadda siyaasadeed.
- In nooca doorasho uu yahay mid dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, kuna saleysan nidaam dimoqoraadi ah oo tixgelinaya dheelitirnaanta kuraasta beelaha ee liiska xiran ee xisbiyada.
- In nooca doorasho mid tixgelinaya hannaan lagu ilaalin karo matalaadda dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka.
- Nooca doorasho waa inuu ahaado mid hoggaaminaya wadajirka, bulshada iyo muqadasnimada midnimada Soomaaliya.
- Nooca doorasho waa inuu yahay mid kalsooni gelin kara dadka Soomaaliyeed in danahooda ay si haboon u matalaan wakiillo ay iyagu doorteen.
Haddaba, goluhu isaga oo ka ambaqaadaya qodobbada kor ku xusan waxaa uu ku heshiiyay:
Qodobka 1aad: Habka Doorashadu dalku waxaa uu noqonayaa nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran(proportional representation-closed list).
Qodobkan 2aad: Hannaanka doorashada waxaa uu tixgelinayaa isku dheelitirnaanta kuraasta beelaha ee liiska xiran ee xisbiyada.
Qodobka 3aad: Dadweynaha Soomaaliyeed ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan waa in la diwaan-geliyo, lana xaqiijiyo in ay codkooda u dhiibtaan si xor ah.
Qodobka 4aad: Doorashadu waxaa ay ka dhaceysaa dhammaan dalka oo dhan, meel walbo oo ay suuragal ka tahay iyada oo dalku mideysan yahay.
Qodobka 5aad: in qoraalka iyo ansixinta sharciga doorashooyinka lagu soo dhameeyo ugu dambeyn bisha December 2018.
Qodobka 6aad: waxaa la farayaa hey’adaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka inay dhaqan-gelinta heshiiskan u maraan hannaanka sharciga ee dalka.
Goobjoog News