Goobjoog

Faransiiska Oo Itoobiya kataageeraya Sidii Loo Xallin Lahaa Khilaafka Kala Dhaxeeya Eritrea

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu ku joogi doono booqasho qaadaneyso labo maalmood. Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu…

Faransiiska Oo Itoobiya kataageeraya Sidii Loo Xallin Lahaa Khilaafka Kala Dhaxeeya Eritrea

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu ku joogi doono booqasho qaadaneyso labo maalmood.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu u tagay Itoobiya ay tahay sidii Paris ay uga taageeri laheyd Itoobiya in la xaliyo Khilaafka kala dhaxeeya Eritrea  iyo Itoobiya.

Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale Tilmaamay in madaxda Itoobiya ay ka wadahadli doonaan sidoo loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya Fransiiska iyo Itoobiya.

Asmara iyo Adis-ababa tan iyo markii Eritrea ay ka qaadatay xornimada Itoobiya 19993 ka dib dagaal u dhaxeeyay labada dal kaasi oo socday 30 sano, dowlad walba waxay midda kale ku eedeyneysaa in ay taageerto kooxaha Fallaagada ah.

Goobjoog News

 

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments