Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee dowladda in shacabka ay u fududeeyaan isku socodka islamarkaasna la furo waddooyinka xiran.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in nabadgelyadu ay ku timaado wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo ciidamada isaga oo ka dalbaday Shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa la xiray waddooyinka muhiimka ah iyada oo la dhigay ciidamo iyo gaadiidka dagaalka shacabka iyo gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayey waddooyin in ay maraan.




From the comments