Xukuumadda cusub ee Malaysia ayaa soo saartay sharci cusub oo xubnaha golaha xukuumadda ka mamnuucaya in ay qaataan hadiyado.
Ra’iisulwasaaraha Malaysia Mahathir Bin Mohamad oo shir jaraa’id qabtay ayaa shegay sharcigan cusub oo ah in xubnaha xukuumadda aysan qaadan Karin Hadiyadaha.
Waxaa uu tilmaamay Mahathir Bin Mohamad in ay qaadan karaan oo kaliya Hadiyadaha sida Ubaxyada, Fawaakihda iyo Cuntada, waxaa uu hoosta ka xariiqay in aysan qaadan Karin xubnaha xukuumadda wax intaas ka badan, isaga oo tilmaamay in qofkii Hadiyad intaas ka baxsan bixiya iyo kan qaataba ay yihiin ku dhacay Qalad.




From the comments