Waxaa istaagtay isu socodka gaadiidka ee agagaarka isgoyska KM4 kadib markii ay halkaasi dibad-bax u xirteen darawallada Mooto Bajaajta.
Ciidamada ammaanka oo goobta ku sugan ayaa isku khilaafay qaabka loola dhaqmayo Bajaajleyda, qaar ciidamada ka tirsan ayaa xabado kor u ridaya, waxaana muuqata in darawallada diideen inay goobta banneeyaan inta cabashadooda wax laga qabanayo.
Qaar ka mid ah wadeyaasha Bajaajta oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay ka cabanayaan jidadka xiran, iyaga oo ku dooday in amarka madaxweyne Farmaajo kadib ay ciidamada subaxdii furaan galabtiina xiraan.





From the comments