Ka hor inta aanu ka tagin shir madaxdeeda G7 si uu ula kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu ku faanay inuu shirkaasi guuleystay laakin saacado kama soo wareegan marka uu u lumiyay xulafadiisa gaar ahaan dalka dariska la ah ee Canad isaga oo ra’isul wasaaraha dalkaasi Justin Trudeau ku tilmaamay “mid daciif ah oo aan run sheegin’!!
Donald Trump waxaa uu bartiisa Twetterka ku qoray “iyada oo laga amba-qaadayo hadallada qaldan ee Justin Trudeau uu ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ganacsiga, iyo iyada oo la fiirinayo sida Canada canshuur adag ugu soo rogto beeraheenna iyo shaqaalaha iyo saxiibadeen, waxaan wafdigeyga faray in aan war-murtiyeedka G7 la saxiixn”.
Sida ay qortay jariidadda afka-dheer ee Newyork Times shirkan waxaa uu go’doon geliyay dalka Mareykanka, waxaa uuna ka saarayaa koox ay Mareykanka hormuud u ahaayeen in ka badan 40 sano, isaga oo dagaal ganacsi la galaya NATO, midowga Yurub iyo Canada.




From the comments