Guddoomiyahii talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir ayaa ku dhaliilay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf inuu iska indho tiray dastuurkii ay ku heshiiyeen beelaha Galmudug.
Waxa uu tilmaamay Sheekh Cumar in loo baahan yahay raadinta midnimada Galmudug ee xilligaan aan loo baahneen in la kala geeyo Galmudug.
Dhanka kale, Sheekh Cumar ayaa sheegay in heshiiskii Ahl-sunna lala galay uu ahaa mid aan laga fiirsan, sababtuna wuxuu ku sheegay in qaabka wax loo dhigay aanay ahayn sidii lagu sixi lahaa waxyaabihii ka qaldanaa Galmudug.




From the comments