Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay Magaalada Muqdisho Afur iyo Casho Sharaf Ugu Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha, iyo Sareeyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya kana Soo jeeda Deegaannada Hirshabelle, iyadoo Madaxweynaha iyo Saraakiishaasi ay iska xog wareysanayeen arrima La Xiriira Ammaanka Deegaanada Hirshabelle. Iyo Sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa Ka Xoreynta Al Shabaab.
Saraakiishani iyo Sareeyeyaasha ayaa waxaa badankoodu ay ahaayeen Jeneraalo Ka Kala tirsan Ciidanka Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed, waxaana Madaxweynaha uu u faah faahiyay sida lagama maarmaanka ay u tahay in laga dulqaado Dadka Shacabka ah Kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed, qorshaha Maamulka uu ku doonayo in la isku furo Wadooyinka Hirshabelle, iyo sidoo kale Doorka Saraakiisha kaga aadan ka qeyb qaadashada arrimahaasi iyo in Waaya aragnimadooda dhinaca Ciidamada ay kaga qeyb qaataan dadaaladaasi Madaxweyne Waare uu wado ee Xoreynta deegaanada Hirshabelle.
Kulanka oo waqti badan ayaa waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in la iska kaashado Ammaanka Deegaannada Hirshabelle iyo Sidii Looga Dulqaadi Lahaa Deegaanada Kooxaha Argagaxisada Ay kaga suganyihiin, Waxaana Saraakiisha oo muujiyay sida ay u garab taaganyihiin Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna diyaar u yihiin waaya aragnimadooda dhinaca dagaalka iyo ciidamada in ay ku garab istaagaan Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle, Maadaama Saraakiisha badankoodu ay yihiin kuwa waaya aragnimo durugsan u leh arrimaha Ciidamada wax badan ku soo dhex jiray.




From the comments