Qoysaskii Degenaa Afar guri oo ku Gubtey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda ka dalbadeen gurmad degdeg ah.
Dabkan ayaa baabi’iyay dhammaan afartaasi guri iyo hantidii taallay waxaase lagu guuleystay in dadkii ku noolaa oo markaa ku sugnaa aynaan waxba noqon.
Mid ka mid ah Odayaasha deggan gurigaasi oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godeey ayaa u sheegay Goobjoog News in dab damiska gobolka Banaadir oo waqti dambe u yimid ay sababtay in ay damin waayaan dabkaasi, sidaasina ay ku basbeeleen dhammaan hantidii guryaha qoysaskaasi Afarta ah u taallay.




From the comments