Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada ayaa markii ugu horreysay waxay xafiis ka furatay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
Munaasabadda lagu daah furayey xafiiskan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka degmada Buulo-burde iyo mas’uuliyiin ka socday hay’addan.
Guddoomiyaha degmadaasi Cabdi Daahir ooo xarigga ka jaray xafiiskaasi ayaa u mahadceliyey madaxdii ka socotay hay’adda socdaallka iyo jinsiyadaha, wuxuuna sheegay in shacabka degmadaasi ay baahi weyn u qabeen helista adeeggan.




From the comments