Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa uga digtay Kalluumeysatada in meelo fog fog oo badda gudaheeda ah ay tagaan inta lagu guda jiro xilliga bad xiranka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Kalluumeysatada Soomaaliyeed ay wasaaradda ay uga digeyso in aysan badda ku fogaan inta ay jiraan dabeylaha taasi oo keeni karta in khasaare uu soo gaaro.
Wasaaradda waxaa ay tilmaantay inaysan heysan qalabkii lagu bad baadin lahaa Kalluumeysatada sidaas darteedna ay ka fogaadaan badda xilliga dabeysha oo lagu jiro.




From the comments