Hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobay oo hadawada Soomaliya ka maamuleysay magaalada Nairobi ayaa maanta soo gabo-gabeysay maamulka hawada, waxaana la filayaa in Soomaaliya si rasmi ah ula wareego.
Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa kadib heshiis ay horey u kala saxiixdeen dowladda iyo qaramada midoobay iyo tababar fiican oo ay heleen shaqaalaha Soomaalida ee maamulka hawada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in hay’addo kale ay ka caawin doonaan maamulka hawada illaa laga tababarayo shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda dalka.




From the comments