Dr. Cali Saciid Fiqi oo ah safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sharaxaad dheer wuxuu ka bixiyey jawaabtii shalay ay Soomaaliya ka bixisay dawacadda Badda.
Safiirka oo wareysii siiyey Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in hadda bisha December la sugayo jawaabta dhanka Kenya, kadibna howlaha kale ee dacwadda la guda galayo.
Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajo aad u weyn qabto maadaama lagu soo xadgudbay xudeeddeeda caalamiga ah ee dhanka badda, islamarkaana la sheegtay dhul ay iyadu leedahay.




From the comments