Farmaajo ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan heshiiskii uu Sabtidii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kula saxiixday Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abi Axamed.
Waxa uu sheegay madaxweynaha in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ka arkay weji wanaagsan oo uu u arkay in Soomaaliya iyo Itoobiya markaan wax is tari karaan.
Heshiiska dekadaha ayuu sheegay inuu waxbadan ka bedali karo xaaladda dalka, islamarkaana Labada dal aanay dhaqaalo u ahayn dhismahooda, balse dalal iyo shirkado badan ay maalgashi ku sameyn doonaan.
Cid walbo oo maalgashi ku sameysaneysa dekada dalka ayuu sheegay iney soo dhoweynayaan, waliba haddii ay ka bataan Afarta hadda lagu heshiiyey, sababtuna wuxuu ku sheegay in ay wanaagsan tahay in dalkeenna uu noqdo meel dekado badan oo ka faa’ideysta maraakiibta aagga dalka maraya.
From the comments