Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in berri 21-ka bishan uu Magaaladda Addis-Ababa uga qeybgalo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.
Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa Madaxda Ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay kasoo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is fahan la’aan soo dhex gashay Madaxda Dalkaas.
Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaallo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.




From the comments