Madaxweynihii hore ee Mareykanka barack Obama ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku yimaado dalka Kenya July 16, 2018.
Obama oo hoggaamin-doona wafdi ka kooban 350 qof oo dunida caan ka ah ayaa booqan-doona deegaanka uu ka soo-jeedo ee K’Ogelo, Siaya county, isaga oo daah-furi-doona NGO ay leedahay walaashiis Dr Auma Obama.
Inta uu Kenya jooga, Obama waxaa uu la kulmi-doona madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, iyada oo la siin-doono abaal-marin.




From the comments