U bood dhigaalka

Dhageyso: Kheyre Oo Sheegay Inaanu Jirin Heshiis Lala Galay Dowladda Itoobiya

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in aanu jirin wax heshiis ah oo ay wadagaleen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kheyre oo la hadlayey jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway ayaa sheegay in laga been abuuray sida ay wax u dhexmareyn Labadan dowaladood.

“Maalmahan waan aragnay in laga hadlayey heshiis lala galay Itoobiya, annaga wax heshiis ah lama gelin dowladda Itoobiya, Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya ayaa ka yimid dalkiisa, waan soo dhoweynay, shirkii markuu dhammaaday war-murtiyeed baa kasoo baxay, kaas oo ah in dhaqankii hore wax laga bedalo, inaan wadashaqeynno, inaan u furno dekadaha qaab ay u isticmaali karaan, dekadaha dadka Soomaaaliyeed ayaa iska leh, shacab Soomaaliyeed ayaa iska leh, haddii ay qaadanayaan mar hore aan aqbali lahayn, dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inaan la jahwareerin” ayuu yiri Kheyre.

Sabtidii Todobaadkan waxaa magaalada Muqdisho safar ku yimid Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, waxaana Soomaaliya iyo Itoobiya gaareen heshiis ku aadan horumarinta dekadaha iyo iskaashiga.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News