Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya,halkaas oo uu uga qeybgalayo Shir aan Caadi aheyn oo looga hadlayo xaaladda Koonfurta Suudan.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galaya dalalka ku mideysan urur Goboleedka IGAD waxaana looga hadli doonaa sidii xal loogu heli lahaa xaaladda colaadeed ee ka taagan waddanka Koofurta Suudaan.
Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay inay muhiim tahay in la xaliyo colaadda ka jirta Koofurta Suudaan ka hor shir madaxeedka Midowga Afrika kaasi oo lagu qaban doono dalka Mauritania 30-ka bishan June.




From the comments