Maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa billaabay dayactir lagu sameynayo waddooyinka waaweyn ee soo gala magaalada B/weyne.
Waxaa la bilaabay dayactir lagu sameynayo waddo soo gasha xaafadda B/weyne, kana timaada galbeedka magaaladaasi, iyadoo wadadan uu ka muuqanayo saameyntii fatahaadda Wabiga Shabelle.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/laahi Axmed Maalin iyo guddoomiyaha B/weyne Maxamed Cismaan Cabdi oo kormeer ku sameeyey dayactirka wadadan ayaa sheegay in haatan meel wanaagsan ay mareyso maalmaha soo aaddan la dhammeytirayo.




From the comments