Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu furi doonaa kalfadhiga 41-aad ee baarlamaanka Puntland, kaasi oo ah midkii ugu dambeeyey.
Waxaa lagu wadaa in Gaas uu halkaasi ka jeediyo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna ka hadli doonaa arrimo u badan ammaanka iyo wixii u qabsoomay maamulkiisa.
Dagaallada Tukaraq iyo guud ahaan xiisadda gobolka Sool ayuu madaxweyne Gaas soo hadal qaadi doonaa.




From the comments