Goobjoog

Malta Oo Diidday In Ay Qaabisho Mujaahiriin Afrikaan Ah

Dowladda Malta ayaa iska diidday iney qaabisho 234 muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo Khamiistii laga soo badbaadiyeybadda badda Mediterranean . Muhaajiriintan ayaa doon ka raacay dalka Liibiya, hase ahaatee markii ay…

Malta Oo Diidday In Ay Qaabisho Mujaahiriin Afrikaan Ah
TOPSHOT – Migrants and refugees sit on a rubber boat before to be rescued by the ship Topaz Responder run by Maltese NGO Moas and Italian Red Cross off the Libyan coast in the Mediterranean Sea, on November 3, 2016. / AFP / ANDREAS SOLARO (Photo credit should read ANDREAS SOLARO/AFP/Getty Images)

Dowladda Malta ayaa iska diidday iney qaabisho 234 muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo Khamiistii laga soo badbaadiyeybadda badda Mediterranean .

Muhaajiriintan ayaa doon ka raacay dalka Liibiya, hase ahaatee markii ay bartamaha badda marayaan ayaa waxaa cillad soo wajahday doonidii ay saarnaayeen.

Markab dadkaasi u gurmaday ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu geeyo Malta, hase ahaatee waxaa loo sheegay inaan loo ogoleyn markabkaasi kusoo xerashada dekaddan.

Dowladda Malta ayaa sababta ay ku diiday iney dadkaan qaabisho waxay ku sheegtay inaanay tabar u ahayn dhaqaalaha ku baxaya marka qaxooti ahaan loo qaabilo.

Horey sidan oo kale Malta iyo Talyaaniga ayaa u diiday iney qaabilaan in ka badan 600 muhaajiriin Afrikaan ah, iyadoo ugu dambeyn dadkaasi ay qaabishay dowladda Spain.

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments