Maamulladda Magaalalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland oo si wadajir ah Digniin uga soo saarey ciddii diida iney wax u iibiso Lacagata Shilinka Soomaaliga ah, taas oo Maalmahan dambe Suuqdayada Gaalkacyo ka socon wayday.
Duqa Degamada Gaalkacyo ee Galmudug Xiris Yuusuf Barre iyo Duqa Dhanka waqooyi ee Puntland Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa maanta si wadajir ah Kormeer ku tagey Suuqdayada Sarifka, maciisha iyo Xoolaha ee Gaalkacyo iyaga halkaas ganacsatada kula halday
Mas’uuliyiinta ayaa Markii Kormeerkooda ay soo dhammeeyen waxa ay saxaafadda kula hadlen Bartamaha Suuqa, iyaga soo sheegay in ay digniin u diyarayaan ciddii isku deyda in ay wax ku iibin waydo Lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo Labadii maalin ee la soo dhaafey laga diidey in wax lagu kala iibsado taasi oo caqabada ku Noqotey dadka danyartra ah.




From the comments