Siyaasiga Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa ka hadlay go’aanka dowladda federaalka ah ee la xiriira qoondada Somaliland.
Feysal ayaa sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin hadalkii kasoo baxay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ee ah in Somaliland aan si gaar ah loogala macaamilin deeqaha beesha caalamka.
Waxa uu sheegay Faysal in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada aanay iyagaba dalka maamulin, sidaasi darteedna aanay waxbo ka celinkarin.




From the comments