Dalka Jabuuti guud ahaan ayaa maanta waxaa looga dabaaldegayaa sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegtay markii dalkaasi uu ka xooroobay gumeystihii Faransiiska.
Xalay ayaa magaalada Jabuuti waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran, waxaana loogu dabaaldegayey 27-ka June, maalinta xorriyadda Jabuuti.
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mas’uuliyiin dalkaasi ah iyo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sheekh oo Labo cisho ka hor halkaasi gaaray.




From the comments