Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ku soo gabagaboobay Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo socday muddo afar maalin ah.
Tababarka oo ay ka soo qeybgaleen xubno katirsan Hay’adaha Dowlad Goboleedka Puntlad iyo Bulshada Rayidka Puntland ayaa looga gonlahaa in wacyiga dadweynaha ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka kor loo qaado.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland Yuusuf Ibraahim Saalax oo xiritaankii tababarka ka hadlay ayaa ballanqaaday in tababarka ay gaarsiin doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan deegaanada Puntland.





From the comments