Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ayaa ku sheegay iney jirto habacsanaan amni oo deegaannada maamulkaasi ah.
Mar uu ka hadlay xildhibaanka weerarada Al-shabaab ka fuliyaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayuu sheegay iney tahay arrin maamulkooda ka weyn oo u baahan in wax looga qabto si heer qaran ah.
“Amni darada meello badan oo dalka ayeey ka jirtaa, laakiinse wadadan wax aka dhaca waa weeraro gaadmo ah, marka waxaa wax looga qaban karaa oo kaliya iyadoo loo wajaho si qaran, ee ma ahan wax Hirshabelle kaligeed wax ka qaban karto” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments