Gaas Oo Isku Shaandheeyey Agaasimayaal Wasaaradeed
Sheeko:Dalka
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimayaal wasaaradeed.
Wareegto uu soo-saaray madaxweyne Gaas ayaa la isku bedalay Afar Agaasimayaal, waxayan u qoran tahay sidan:
Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo
Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Puntland
Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha
wasaaraddaha
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.
- Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
- Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.
- Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=