Boqorka Baxreyn Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Hambalyeeyay Maalmaha Xuriyadda
Sheeko:Dalka
Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa Aala-Khaliifa ayaa waxaa uu warqad hambalyo u soo diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo ugu hambalyeeyay maalmaha xuriyadda.
Boqor Xamad Bin Ciisa Aala-Khaliifa waxaa uu sidoo kale mudane Farmaajo u rajeeyay caafimaad iyo farxadda munaasabaddan farxadda leh.
Dhinaca kale, waxaa isna warqad tahniyad ah u soo diray madaxweyne Farmaajo ra’isul wasaaraha dalkaa Amiir Khaliifa Bin Salmaan isaga oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.
Ra’isul wasaare Khaliifa Bin Salmaan waxaa uu sidoo kale warqad u soo diray dhiggiisa Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isaga oo u rajeeyay caafimaad iyo farxad.
Goobjoog News