Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, waxaana jira qorshe wadahadal lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan maamulkaasi.
Wax garadka iyo siyaasiyiinta Galmudug ayaa doonaya in xal laga gaaro khilaafka hareeyay madaxda Maamul goboleedka Galmudug, Muqdisho waxaa yimid madaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Dhanka kale Madaxda ka tirsan Galmudug oo ku sugan magaalada Dhuuso-mareeb ayaa doonaya in khilaafka lagu dhameeyo Magaaladaas taas oo ah caasimadda Galmudug, waxaa ayna diideen Muqdisho iyaga oo tilaamay inay soo faro galineyso dowladda Soomaaliya.




From the comments