Goobjoog

Sawirrada Goobjoog: 2 Muuqaal Oo Ku Cusub 1da Luulyo

Saaka waa 1da Luulyo, maalinta xuriyadda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo midnimada, sida caadada u ah dowladda federaalka ah waxaa u xiran jidadka ugu waaweyn magaalada Muqdisho. Sidaas ay tahay,…

Sawirrada Goobjoog: 2 Muuqaal Oo Ku Cusub 1da Luulyo

Saaka waa 1da Luulyo, maalinta xuriyadda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo midnimada, sida caadada u ah dowladda federaalka ah waxaa u xiran jidadka ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Sidaas ay tahay, waxaa cusub labo muuqaal oo aan horay loogu arkin maalmaha waddada la xirayo, kuwaas oo kala ah:

Basas:  Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shacabka u diyaariyay basas u sahla isu socodka inta ay socdaan dabbaal degyada Maalinta Xorriyadda ee 1-da Luulyo

Dadka qaar ayaa noo sheegay in ay saaka u raaceen meelo kale oo aan xarunta dabaal-degga ah, waa basas dhowr ah, meelo kala duwan ayaa lagu kala qoray,  tani waxaa fursad ay dadka qaar heleen intii ay meel fog-fog u lugeyn lahaayeen.

Goobo Datryeel: Waxaan meelaha qaar ku soo aragnay goobo daryeel oo Teendho laga taagay, taasi oo dadka masaakiinta ah ay saf ugu jireen.

Saraakiisha halkaasi joogtay oo ka gaabsaday inay faah-faahin bixiyaan, waxaa ay ku soo koobeen waa “Daryeel masaakiin”.

Hadda, waxaa garoonka Koonis ka socota dabaal-degga maalinta 1da Luulyo, waa 58 sano guuradii maalinta xuriyadda gobollada koonfureed iyo israaca labada gobol.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments