Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa sheegtay inay ku guuleysatay in dowladda Sacuudiga ay xayiraadda ka qaado dhoofinta xoolaha Soomaaliya.
Nuur Maxamad Xasan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Sheegay in arrintaan ay timid ka dib markii ay Kulamo wadahadal ah ay lagaleen Sacuudiga.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Sacuudiga ay ku qanciyeen in Xoolaha Soomaaliya ay yihiin kuwo caafimaad qaba islamarkaasna wararka sheegaya in xoolaha ay xanuunsanyihi ay been abuur yihiin.




From the comments