Wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland ayaa xilka waxaa looga qaaday guddoomiyahii degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Waxaa wareegtadan lagu sheegay in xilka laga qaaday guddoomiye C/laahi Nuur Xasan Cadow, kadib markii uu sameeyey ammar diiddo, cabashana ay ka timid shacabka degmada Baardheere.
Sidoo kale, wareegtadan waxaa xilka guddoomiyaha degmada Baardheere loogu magacaabay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax (Koofi).




From the comments