Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay soo xiray Shirweynaha 3-aad ee Hoggaanka iyo Hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si awoodaha dhalinyarada looga faa’iideeso ay tahay in dhalinyadu waxbarashada ku dadaalaan, isu abaabulaan sidii awoodda dalka gacantooda ugu soo noqon laheyd, caawiyaan laamaha amniga, ka qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqmaasuqa, una dul qaataan xanuunka la maraayo si mutqabal wanaagan loo gaaro.
“Waxaa lagu jiraaa qarni aadan noolaan karin hadii aadan aqoon laheyn, si aqoonta dadka Soomaaliyeed loo dhiso oo aan ula tartanno bulshada adduunka waa in aan leenahay iskuullo iyo jaamacado soo saara dad Soomaaliyeed. Waa in aan kobcinnaa dhaqaalaha dalka, la dagaalnaa Musuqmaasuqa, amniga wax ka qabannaa, si aduunyadu noo aaminto waa in aan xanuun marnaa. Xanuunka cidda mareysa ee u adkeysanaysa waa cidda dooneysa in ay Mustaqbal yeelato, cidda mustaqbalka lehna waa adinka. Waa in aad isu abaabushaan qaabkii awoodda dalku gacantiinna ugu soo noqon laheyd”, ayuu dhallinyarada ku yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.




From the comments