Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu booqasho ku tago magaalada Asmara ee xarunta wadanka Eritrea.
Booqashadan oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa Abiy ku wehlinaya mas’uuliyiin sare oo dalkaasi ah, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo aad u muhiim ah.
1998 Labadan dal waxaa dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo socday muddo Labo sano ah, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyey meesha ka baxay xiriirkii Labada dal.




From the comments