War qoraal ah oo kasoo baxay wasaardda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si kulul waxaa loogu cambaareeyey weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay deggan yihiin wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Turkiga ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaasi, islamarkaana ay ku abuurtay murug, iyaga oo ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintey weerarkaasi.
“Waxay ahayd arrin nagu abuurtay murugo weerarkii ka dhacay Muqdisho, waxaana ka tacsiyadeyneynaa dadkii ku dhintey, kuwa dhaawaca ahna caafimaad ayaan Alle uga baryeenaa” ayaa lagu yiri qoraalkan.




From the comments