Ururka iskaashiga islaamka OIC aya si kulul u cambaareeyey qaraxyadii iyo weeraradii ay Al-shabaab shalay ku qaadeen xarunta Otto Otto oo ay deggan yihiin wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee OIC Dr. Yousef bin Ahmed Al-Othaimeen ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin weerarkii shalay dhacay.
Waxa uu tilmaamay in OIC ay si weyn uga naxeen weerarkaasi, ayna cambaareynayaan, isaga oo dhanka kale sheegay iney taageero xooggan siin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya.




From the comments