Ku dhowaad Lix Boqol oo qoys kana mid ah beeraleyda Waraabka degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada ayaa la gudoonsiiyey gargaar ka kooban noocyada kala duwan ee abuurka.
Abuurka la gudoonsiiyay beeralaeydan ayaa ka koobnaa Galey,Digir,Khudaar Masego iyo moordi qoysaskan ayaa ahaa kuwii uu saameeyay Fatahaaddii wabiga Jubba bishii Apriil waxaana ku burburay dalaggii ay tacbadeen.
Iimaan Cabdullahi Muuse oo ah ku xigeenka madaxa Iskaashatada beeraleyda Baardheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in beeraleyda ay hadda u diyaar garoobayaan tacbashada beerahooda.




From the comments