Goobjoog

SONNA OO Deeq Lacageed Ka Heleysa Dalka Shiinaha

Sida ay qortay Xinhua, dalka Shiinaha ayaa Isniintii sheegay inuu deeq lacageed siin-doono wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Lacagtan oo tiro ahaan lagu sheegay $22,600 , waxaa wax looga qaban-doonaa…

SONNA OO Deeq Lacageed Ka Heleysa Dalka Shiinaha

Sida ay qortay Xinhua, dalka Shiinaha  ayaa Isniintii sheegay inuu deeq  lacageed siin-doono wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Lacagtan oo tiro ahaan lagu sheegay $22,600 , waxaa wax looga qaban-doonaa xafiiska ay wakaaladda ku leedahay Muqdisho.

Qin Jian, oo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan loo adeegsan-doono qalabeynta xafiisyada wakaaladda.

Waxaa kale uu ammaanay sida ay qeyb uga qaadato hagaajinta xiriirka labada dale e Shiinaha iyo Soomaaliya.

Dhankiisa Cabdulahi Sheikh Cabdirahman, oo ah agaasimahha wakaaladda SONNA oo goobta ka hadlay ayaa  shiinaha ku ammaanay taageerada isaga oo intaa raaciyay in loo adeegsan-doono qalabeynta xafiiska.

Sonna hadda uma shaqeyso sida saxda ah ee wakaalad, waxaa ay hoos tagtaa wasaaradda warfaafinta oo miisaaniyadda ka hesho sanadkii 4 Milyan oo Doolar, waxaa ay xafiis ku leedahay Muqdisho iyo meelo qaar oo wakiillo u joogaan,  inta badan shaqadeeda waa Website iyo Twitter ku soo baxa afafka Soomaaliga, Ingiriiska iyo Carabiga.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments