Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdulahi Warsame oo ka mid ah aqoonyahannada ka faalooda Arimaha siyaasadda dalka ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in uu dar dargaliyo siyaasaddiisa ku aadan Afrika taasi oo uu tilmaamay in ay qeyb ka tahay safiirka cusub oo arbacadii uu u soo magacaabay Soomaaliya Madaxweynaha Maraykanka ka dib in muddo 9 bil ah oo safaaraddooda Soomaaliya ay safiir la’aan aheyd.
Waxaa uu sheegay Cabdiwaaxid Cabdulaahi Warsame in Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Yamamoto uu ahaa nin kasoo shaqeyay Afrika gaar ahaan Itoobiya oo Soomaaliya deris la ah.
“Yamamoto waa nin si weyn u yaqaanno arimaha soomaaliya ka horna waxaa uu ahaa nin Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa mana aha nin saaxada Afrkca ku cusub wax badana waa suuragal in uu ku soo kordhiyo”.




From the comments