Waxaa istaagay gaadiidkii ka amba bixi jiray Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe,kuwaasi oo rakaabka u soo qaadi jiray Muqdisho.
Sababta gaadiidka u istaagay ayaa lagu sheegay qiimaha lacagta ee lagu imaan jiray Muqdisho oo la kordhiyay, waxaana markii hore dadka lagu soo qaadi jiray lacag dhan 150 oo Shilin Soomaali ah balse hadda waxaa laga dhigay 300 oo Shilinka Soomaaliga ah taasi oo keentay in Shacabka ay ka cabtaan arrintan .
Qaar ka mid ah dadka rakaabka ayaa sheegay in aysan awoodin in ay bixiyaan lacag dhan 300 boqol taasina ay keentay in gaadiidka uu istaago.




From the comments