Wafdi ka socda Somaliland ayaa ka qeyb-galaya Shirka Brussels ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah xubnaha ka socda Somalilnad kana qeyb-galaya shirka ayaa sheegay in u jeedkoodu yahay in la tixgaliyo heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland ee sanadkii 2013-kii oo ahaa in aan la siyaasadeen deeqaha Caalamiga ah.
“Waxaan hlkan u nimid maadaama looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, waxaan dooneynaa inaan Cadaadis saarno in heshiiskii la galay ee Soomaaliya iyo Somalilnad aan la carqaladeynin wixii horumar ah”.




From the comments